Qormadaan iyo dhawr qormo oo kale oo ka dambayn doona ayaa ah taariikh iyo raadraac kooban oo ku saabsan taxanaha Itoobiya dad iyo dal. Waa ilbaxnimadii uu taariih yahankii waynaa ee Herodotus ee noolaa qarnigii shanaa Ciise ka hor uu ku xusay kitaabkiisa taariikda, ee uu u yaqaanay Itoobiyaankii cimriga dheeraa. Si ka gadisan Xaamiyiintii ay dhulka ugu yimaadeen oo ahaa xoolo dhaqato, qolyahaan dambe waxa ay ahaayeen qodoto dalaga beerta. Islaamka ayaa waxa uu u faafayey si nabada mana jirin waxa khatara oo uu ku ahaa boqortooyadii xabashida. Waxay kale oo Sulaymaaniyiintii bilaabeen in dadkii caawaanta ahaa khasab lagu masiixiyeeyo gaar ahaan qabaa’ishii Xaamiyiinta oo uu Agowgu u waynaa.