None
SO
Ayatollah Khamenei oo Trump ku tilmaamay beenaale
[]
SBC Somali TV
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa Isniintii ku gacan seyray wadahadal dib u cusbooneysiin ah oo uga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuuna beeniyay sheegashadiisa ah in Mareykanka uu burburiyay awooddii Nukliyeerka ee Iiraan.
“Trump waxa uu sheegay in uu yahay ganacsade, laakiin haddii heshiiska uu la socdo jujuub, natiijada ka soo baxdana la go’aamiyo, ma aha heshiis ee waa wax kusoo rogid iyo cagajugleyn,” Khamenei ayaa sidaas yiri sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.
“Madaxwaynaha Maraykanku wuxuu si kalsooni leh u sheegay in ay duqeeyeen oo ay burburiyeen warshadihii nukliyeerka ee Iiraan.
Si fiican u wad riyada!” Khamenei ayaa intaas ku daray.
Quwadaha reer galbeedka ayaa Iiraan ku eedeeya in ay si qarsoodi ah isugu dayayso in ay samaysato bam nukliyeer ah iyada oo la tayeynayo Uranium-ta, waxaana ay doonayaan in ay joojiso hawshaas.