None
AF
Golaha Mustaqbalka oo dhaliilay sharciyadda barlamaanka Somalia.
[]
Horseed Media
Posted by: Horseed Staff Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si adag uga horyimid qorsheyaal la xiriira doorashada Guddoomiyaha cusub ee… 10 August, 2026Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si adag uga horyimid qorsheyaal la xiriira doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo muddo-kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.
Golaha ayaa sheegay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka uu dastuur ahaan ku egyahay 14-ka Abriil 2026, sidaas darteedna Baarlamaanku uusan hadda haysan sharciyad dastuuri iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka uu mar kale adkeynayo mowqifkiisa ku aaddan khilaafka doorashooyinka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la helo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, kana tarjumaya danaha dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.
Golaha ayaa sidoo kale ka digay in tallaabooyin sharci iyo siyaasadeed oo aan heshiis lagu ahayn ay horseedi karaan xaalad siyaasadeed oo cakiran.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in muddo-xileed dhammaaday uusan dhalin karin muddo-xileed cusub, isagoo ku adkeystay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo ay qeyb ka yihiin dhinacyada ay khuseyso.