None
AF
Gabar shaqada ku waydey taageerada Falastiin oo dhaqale badan loo ururiyey.
[]
Horseed Media
Posted by: Horseed Staff Magaalada BREINIGSVILLE, PENNSYLVANIA gabar lagu magacaabo Arianna Hamilton, oo ahayd shaqaale ka tirsan maqaaxi Burger King oo… 11 August, 2026Magaalada BREINIGSVILLE, PENNSYLVANIA gabar lagu magacaabo Arianna Hamilton, oo ahayd shaqaale ka tirsan maqaaxi Burger King oo shaqada looga joojiyey taageerada qaddiyadda Falastiin ayaa hadal hayn xooggan ka abuurtay caalamka, kadib markii barnaamij dhaqaale ururin ah ay ku heshay ku dhowaad laba boqol oo kun oo dollar.
Haweeneyda ayaa la xaqiijiyey inay macmiilka waydiisay halka uu ka yimid maadaama ay ka muuqdeen astaamo laga qaato Isreal, iyadoo markii uu u xaqiijiyey inuu ka yimid Israel muujisay taageerada Falasteen, kuna dhawaaqaysay “Ha xorowdo Falastiin” sida ka muuqato muuqaal uu macmiilku ka duubay kahor inta uusan ku dacwayn shirkadda ay ka shaqaynaysay.
Burger King ayaa xaqiijisay in shaqada Hamilton laga joojiyay, iyadoo maqaaxidu ahayd mid uu leeyahay oo maamulo franchise madax-bannaan, waxayna maamulka shirkaddu sheegeen inaysan raali ka ahayn in macaamiishooda lagu sameeyo takoor halkii lagu soo dhaweyn lahaa ixtiraam iyo rabitaankooda, taasi oo sababtay in shaqada laga raacdeeyo haweeneyda/Dhacdada kaddib, Hamilton waxaa loo furay olole lacag uruurin ah oo GoFundMe ah oo loogu magac daray “Support Arianna After Job Loss for Free Speech.
”, waxana warbixin la daabacay 7-dii Agoosto ay sheegtay in in ka badan $170,000 la uruuriyay iyo kumannaan qof oo deeq bixiyey, si loogu muujiyo taageero lamid ah middii ay siisay reer Falastiin.