Garoowe (Faallo PP) — Itoobiya waxaa ka jira dad la soo kireysto si ay ugu baroortaan qoyska uu qof ka geeriyooday. Lacagta la siinayo baroortayaasha (haween uun baa adeeggan bixiya) waxay ku xiran tahay saacadaha baroortu soconayso. Qayliyayaashu waxay ka faa’iidaan qaylinta waa daawadayaal (views) iyo lacag ay bixiyaan dadka ay adeegga qaylinta u qabtaan. Xeeladahiisa waxaa ka mid ah inuu u soo hoydo dadka uu meel kaga dhacay si uu adeeg qaylin ugu qabto. Dhowaan maamullo Soomaaliyeed waxay go’aammo ka soo saareen qayliyayaasha colaadda fidiya, dadka aflagaaddeeya, beentana si ula kac ah u fidiya.