None
EN
Trump oo beeniyay in rasaas yaraan ay soo wajahday ciidamadiisa
[]
Jowhar News Leader | Somali News
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku leeyahay kayd aad u ballaaran oo rasaas iyo hub ah,Waxaa intaas dheer in tiro badan oo rasaas ah la soo saarayo, waxaana loo diri doonaa Mareykanka marka loo baahdo.
Trump iyo Pentagon-ka ayaa wajahaya su’aalo sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda hubka militariga iyadoo dagaalka Iiraan uu soo jiitamayo illaa bishii lixaad.
Trump ayaa ugu hanjabay saxafiyiinta faafiyay wararka la xiriira rasaas la’aanta soo wajahday Maraykanka.
Macluumaad sax ah oo ku saabsan kaydka gantaallada Mareykanka ayaa weli ah mid sir ah.
Tan iyo markii uu noqday xoghaye, Hegseth waxa uu soo rogay kontaroolo adag oo xaddidaya macluumaadka ay wariyayaashu ka soo ururin karaan Pentagon-ka.