None
EN
Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota! Q. 3-aad
['Axmed-Yaasiin Max Ed Sooyaan']
Puntland Post
Waxay arrintan ku tuseysaa fursad la siiyay bulshooyinka laga tirada badanyahay ee u cabsanaya dhaqankooda.
Iskuullada noocaan oo ilaa labaatameeyo ay u furanyihiin Bulshada Soomaalida ah, waxaana inta badan aan jirin waxa tabantaabin ah oo ka soo gaara bulshada ama xataa waalidiinta ardayda dhigata iskuulka.
Waxaa iyadana jirta weyddiin marar badan bulshada dhexdeeda soo noqnoqota oo ah in ardayga barnaamijkaas wax-barashada khaaska lagu daro ay diiwaanka u geleyso oo aysan waligiis ka hareyn.
Qallin-Jebintii ardayda Bulshada Soomaalida ee Jaamacadaha MinnesotaWaxaa aad loogu han-weynyahay in sanadba midka ka dambeeya ay tirada dhallin-yarada bulshada Soomaalida ah ee ka qallin jebinaysa jaamacadaha Gobolka Minnesota ay sii korodho.
Waa tiro aad u fiican, iyadoo sida dad badan oo ka mid ah wax garadka bulshada ay qabaan inay tahay tallaabo dhiiri gelin u ah ardayda ka dambeysa iyaga.