Posted by: Horseed Staff Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Puntland aysan ku habboonayn in… 4 August, 2026Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Puntland aysan ku habboonayn in dib loogu laabto colaado gudaha ah ama khilaafyo u dhexeeya dhinacyada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Puntland ay ka gudubtay marxaladahaas, isla markaana ay dib-u-dhac noqonayso in mar kale laga hadlo ama loo horseedo colaad sokeeye. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan ka jeediyay xalay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo nabadda, wadajirka iyo horumarka, halkii dib loogu noqon lahaa khilaafaadkii hore. Hadalka Xamse Cabdi Barre ayaa durba dhaliyay falanqeyn siyaasadeed, iyadoo dad badan ay u fasirteen inuu si dadban uga hadlayo xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, taas oo u dhexeysa Dowladda Puntland iyo ciidamada PSF ee dhowaan ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Puntland, wax badan ayey u qabatay Soomaali, wax badanna wey qabsatay, waxa banaan kaalintiinii hormuudnimo, doorkiinii midnimada, ma gaydo PL kala-goynta dalka, Puntland ma aha in ay ka shaqayso colaad dhexdeeda ah”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.