None
AF
Cabdiraxmaan Cirro oo la kulmay Saraakiil ka socota Milatariga Maraykanka.
[]
Horseed Media
Posted by: Horseed Staff Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la yeeshay Major General Claude K.… 1 August, 2026Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la yeeshay Major General Claude K. Tudor Jr., oo ah Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (SOCAFRICA), iyo wefti uu hoggaaminayey.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan sugidda amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay ku naaloonaysay nabad iyo xasillooni muddo ka badan 35 sano, isla markaana ay leedahay hay’ado dowladeed oo shaqaynaya iyo hannaan siyaasadeed oo dimuqraadi ah.
Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Maraykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah oo khuseeya berriga iyo baddaba.
Waxa uu xusay in xasilloonida Geeska Afrika iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ahi ay yihiin mudnaan ay labada dhinac si weyn u danaynayaan.