Boqorku wuxuu sheegay in tabashooyin siyaasadeed ay sabab u noqdeen kala fogaanshaha Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in muddo 66 sano ah ay talada dalka inta badan gacanta ku haysay siyaasadda Koonfurta, sida uu sheegay, dareenka cadaadiska siyaasadeed ayaa horseeday in Somaliland ay raadsato xiriirro dibadeed oo ay ka mid yihiin Israa’iil, inkasta oo uu rumeysan yahay in xalka ugu wanaagsan uu weli yahay wada-hadal Soomaaliyeed. Sidoo kale, Boqor Buurmadow wuxuu tilmaamay in xitaa haddii Mareykanku aqoonsado Somaliland, ay weli muhiim tahay in xiriir iyo wada-hadal lala yeesho Soomaaliya inteeda kale. Wuxuu sheegay in aqoonsi caalami ah uusan beddeli karin baahida loo qabo heshiis iyo is-afgarad dhex mara Soomaalida. Ugu dambeyn, Boqor Buurmadow ayaa sheegay in haddii la helo jawi siyaasadeed oo deggan oo laga gudbo tabashooyinka jira, ay suurtagal tahay in xukuumadda Somaliland ay dib uga soo celiso wakiilladeeda Tel Aviv. Wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa in xal kasta oo waara uu ku xirnaan doono wada-hadal dhex mara dhammaan dhinacyada Soomaalida, isagoo ku tilmaamay jidka ugu dhow ee lagu gaari karo nabad iyo is-afgarad.