None
AF
Canshuuraha Cusub ee Mareykanka oo Gilgilay Suuqyada Caalamka
[]
Horseed Media
Mareykanka ayaa ku dhawaaqay canshuuro cusub oo saameynaya in ka badan 80 dal, tallaabadaas oo gilgishay suuqyada maaliyadeed ee caalamka. Suuqyada saamiyada Aasiya ayaa hoos u dhacay, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Shiinaha ay ka digayaan in go’aankan uu sii kordhin karo xiisadaha ganacsi ee caalamiga ah isla markaana saameyn ku yeelan karo koboca dhaqaalaha adduunka.