Posted by: Mohamed Osman QUDUS – In ka badan 4,200 oo Israa’iiliyiin ah, oo ay ku jiraan Yuhuuda xagjirka ah… 23 July, 2026QUDUS – In ka badan 4,200 oo Israa’iiliyiin ah, oo ay ku jiraan Yuhuuda xagjirka ah iyo xubno ka tirsan kooxaha midigta fog, ayaa galay xarunta Masjidka Al-Aqsa ee Bariga Qudus oo ay Israa’iil haysato, taas oo saraakiisha Falastiiniyiintu ku tilmaameen mid ka mid ah gelitaannadii ugu ballaarnaa ee sanadkan. Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, oo ka tirsan siyaasiyiinta midigta fog, ayaa isna booqday goobta isagoo ay ilaalinayeen ciidamo boolis oo aad u fara badan. Waxay ku adkaysatay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay goob cibaado oo Islaami ah, isla markaana Israa’iil aysan wax sharci ah ku lahayn madax-bannaanida goobta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa iyaduna cambaaraysay dhacdadan, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah. Urdun waxay ugu baaqday beesha caalamka inay Israa’iil ku cadaadiso joojinta waxa ay ku tilmaantay xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus.