Posted by: Horseed Staff Xukuumadda Puntland, ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hub iyo malayshiya beeleed ku soo daabulayso… 23 July, 2026Xukuumadda Puntland, ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hub iyo malayshiya beeleed ku soo daabulayso Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo sanadihii dambe ka soo kabanaysay dagaalo sokeeye. Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaan ayaa sheegay in dowladda federaalka waqtigeedu dhammaaday isla markaana ay isku dayeyso inay qalqal geliso xaaladda amniga Puntland. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha amniga Puntland ay diyaar u yihiin ilaalinta nabadda iyo sugidda ammaanka shacabka. Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Wasiir Ku-xigeenka Amniga Puntland. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, iyadoo bulshada ay si dhow ula socdaan xaaladda iyo waxa kasoo kordha.