Posted by: Horseed Staff Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay in la soo afmeeray hawlgal saacado qaatay oo ka dhacay… 21 July, 2026Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay in la soo afmeeray hawlgal saacado qaatay oo ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari, oo ay shalay ku dagaalameen ciidamo katirsan PSF iyo kuwa Daraawiishta Puntland. War-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu beegsaday malayshiyaad ku hawlanaa khalkhalgelin amni, taageerana ka helaya Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Puntland. HOOS KA AKHRISOCiidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay inay si guul leh kusoo afjareen hawlgal amni oo saacado kooban qaatay, kaas oo ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Puntland, hawlgalka ayaa lala beegsaday maleeshiyaad lagu eedeeyay inay muddooyinkii u dambeeyay khal-khal amni ka wadeen deegaannada Puntland. Waxa kale oo lagu sheegay in la baadi-goobayo xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo goobta ka firxaday intii uu hawlgalku socday.