None
AF
Wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday
[]
Horseed Media
Posted by: Horseed Staff Wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo xubnaha guddiyada dhinacyada mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa… 20 July, 2026Wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo xubnaha guddiyada dhinacyada mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii ugu waaweynaa ee la isku hayay.
Kulankan ayaa ahaa dadaal lagu doonayay in lagu yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.
Kulanka oo socday saacado badan ayaa ka dhacay gudaha xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana garwadeen ka ahaa wakiillo ka socday Beesha Caalamka iyo dowladda Turkiga.
Dowladda Federaalka ayaa diiday in qodobkaas laga hadlo, iyadoo ku adkaysatay inaan la furin dood ku saabsan arrintaas, taas oo noqotay halkii ay wada-hadalladii hore uga burbureen bilo ka hor.
Tani waxay meesha ka saaraysaa aragtida Dowladda Federaalka iyo xulafadeeda ee ku saabsan in kuraasta lagu saleeyo nidaamka axsaabta siyaasadeed.