Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} – Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ay dano gaar ah oo dhaqaale awgeed uga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay isku dayday in ay hagaajiso xidhiidhka kala dhexeeya Jabuuti, balse dowladda Jabuuti ay qaaday tallaabooyin muujinaya “xaasidnimo” iyo dagaal toos ah oo ay kula jirto aqoonsiga Somaliland. Waxay uga digeen dowladda Soomaaliya in ay heshiisyo la gasho dowlado shisheeye oo ku saabsan kheyraadka Somaliland. Arrintaas ayaa dhalisay diidmo xooggan oo ka timid dowladda Soomaaliya, oo u aragta in lagu xadgudbay midnimadeeda dhuleed. Sidoo kale, marka laga yimaado diidmada dowlada caalamka, dowladaha si gaar ah uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland waxaa ka mid ah Jabuuti, Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo xidhiidh dhaqaale iyo istiraatiiji ah la leh dowladda Soomaaliya, isla markaana aan danahooda ka dhex arkin aqoonsiga Somaliland.